80 xildhibaan  oo kamid ah 189 xildhibaan ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho

 

Xildhibaano ay tiradooda gaarayaan 80 mudane oo ka mid ah 189 xildhibaan ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo gaaraan berito oo Axad ah Muqdisho magaala madaxda Soomaaliya. Bulshaweynta deggan Magaalada Muqdisho waxay beryahaan si weyn iskugu diyarinayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen mudanayaasha ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xarunta xisbiga oo si weyn loo hagaajiyay ayaa u noqon doonto madasha shirarka dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed. Warku wuxuu inta ku darayaa in Guddoomiyaha barlamaanka DFKM Sharif Xasan uu isna ku xigi doona maalmaha inagu soo aaddan inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

                 

                                             HOME