Guddoomiyaha Gaalkacyo oo diiday in uu xilka wareejiyo
Buluugleey July 23, 2005
Magaalada Gaalkacyo waxaa la soo deristay xiisad colaadeed
oo circa isku shareertay markii uu Jen. Cadde Musse soo saaray
wareegto cusub oo uu ku magacaabayo Sheekh Daahir Jaamac Nuur
inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee magaalada Gaalkacyo. Waxaa
kaloo wareegtada ku xusneyd in guddoomiyihii hore mudane Maxamed
Warsame Jabhad uu hanan kari waayey ammaanka guud ee magaalada
Gaalkacyo isgoo loo cuskaday xil ka qaadistaasa inuu diiday inuu
xoog ku maquuniyo malleeshiya beeleedkii ciidamada Col.
Cabdullahu Yusuf ka faramaroorsaday maxbuuskii ugu xukunaa
toogashada.
Wararka ayaa shgeegaya in guddoomiyihii hore ee magaalada
Gaalkacyo Maxamed Warsame Jabhad uu diiday inuu xilka wareejiyo
taas oo sii xumeyneysa xiisadaha siyaasadeed ee maalmahan ka
taagan magaalada Gaalkacyo.
Warark ianaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya
inta uu Col. Cabdullahi Yusuf ku suganaa magaalada
Gaalkacyo in lagu dilay lix qofood oo rayid ah haddana waxaa
laga cabsi qabaa in markale ay iskaga horyimaadaan malleeshiyo
beeleed iyo ciidanka Col. Cabdullahi Yusuf.
Warar aan ka soo xiganay HornAfrik ayaa sheegaya in hotelka
Taar City oo Col. Cabdulaahi Yuusuf degan yahay in
ammaankiisa la adkeeyey iyadoo halkaas la geeyey ilaa shan boqol oo boolis
iyo askar kale. Dadkii hoteelka deganaa ayaa dhammaantood laga
saaray iyadoo la soo dejiyey ilaalada gaarka ah ee Col.
Cabdullahi Yusuf.
Dadka deggan magaalada
Kaalkacyo ayaa baqadin la soo diristay iyada oo u muuqato haddii
uu dagaal ka dhex qarxo magaalada ay keeni karto inuu dhiig fara
badani daato, taasina waxay abuuri kartaa deggenaashaha
la'aanta gobolka Mudug.
