Xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay
Muqdisho
Buluugleey July 17, 2005
Xisbi siyaasadeed ee la magac baxay
Xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed (National
Congress Part) ee marka la soo gaabiyo ah (SNCP) ayaa maanta
looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Xaflad si weyn loo soo
agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Amiira.
Xisbigan oo gudoomiye looga dhigay C/shukri Cali
Xirsi oo wadanka dibadiisa ku maqan ayaa halkaas waxaa khudabd
xiisa leh ka akhriyey isagoo gudoomiyaha ka wakiil ah Prof.
Ciise
Maxamed Siyad. Prof. Ciise ayaa si weyn uga hadlay
in xisbigu ku salaysanyahay hormarinta nabadda iyo dib u
heshiisiinta umada Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Siyaasiga caanka ah
lagu magacaabo Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo si faah-faahsan
uga hadlay ujeedada loo aasaasay xisbiga
Midaynta Qaranka Soomaaliyeed taas oo ka mid ah
in uu u
adeegidda danaha umadda Soomaaliyeed.
Iyadoo kooban ujoodooyinka xisbiga waxaa
ka mid ah:
1.
Ilaalinta iyo difaacidda Jiritaanka Qarannimada
iyo
Madaxbanaanida Shacabka Soomaaliyeed.
2.
Faafinta fikradaha Nabadda Cadaaladda Midnimada
Sinnaanta iyo
hormarinta Bulshada Soomaaliyeed.
3.
Xisbigu wuxuu dhiirro gelinayaa lahaanshaha gaar
ahaaneed Suuqa
xorta ah (free Market) iyo maalgashiga shisheeye (foreign
investments).
4.
Xisbigu wuxuu iskaashi la samaynayaa axzaabta
siyaasadeed oo
ay isku aragtida yihiin.
5.
xisbigu wuxuu adkaynayaa Nabad ku wada
noolaanshaha iyo
xiriirka dalalka dariska nala ah.
6.
Xisbigu wuxuu aqoonsanayahay dhammaan shuruucyada
iyo
xeerarka Caalamiga ah ee la wada aqoonsanyahay.
7.
Xisbugu wuxuu difaacayaa Xuquuqul Insaanka iyo
Xoriyadda
Hadalka intaba
Xisbiga
Midaynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa dad badan
saadaalinayaan inuu noqon karo mud
dardar cusub geliyo nabadeynta
iyo xasilloonida xilligan dalka looga baahanyahay.
Xisbigan oo sida looga warbxixiyay u muuqda xisbi aan hubeysneyn
ayaa noqon karana mid soo jiita siyaasiyiin badan oo ka
badbaadiya khatarta shicibka Soomaaliyeed ku soo fool leh.
