Xubno
ka tirsan Q/Midoobay (UN) ayaa dhawaan booqasho ku imaanaya
Muqdisho
Buluugleey,
May 19, 2005
Xubno ka tirsan Q/Midoobay (UN) ayaa
dhawaan booqasho ku imaanaya magaala madaxda Soomaaliya
horraanta toddobaadka inagu soo fool leh. Ujeedada ugu weyn ee
booqashada madaxdaasi waxay la xiriirtaa inay soo
indha-indheeyaan xeryaha ay ku suganyihiin malleshiyada.
Xubnaah oo sida warkaan oo aan ka soo
xiganay wargeyska Qaran ayaa sheegaya inay xubnahaasi ku jiraan
madax ka socota hay’adda UNDP. Mdaxdaasi waxayna la
kulmayaan xubnaha dowladda Federaalka KMG ah ee jooga Muqdisho
iyagoo kala hadlaya arrimaha la xiriira xaaladda siyaasadeed ee
haatan ku sugantahay Soomaaliya iyo sidii ay uga gargaari
lahaayeen una siin lahayeen tageero dhaqaale ee lagu hormarinayo
nabadgelyada Soomaaliya oo in ka badan 15 sanadood ku sugneed
xasilooni la'aan.