Wasiirka
Gashaan dhigga ee
dowladda KMG ayaa u anbabixi doono Muqdisho
Buluugleey,
May 2, 2005
Dhawaan waxaa
uu ababixi doono magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah dowlada
Federallka KMG ah waxaana ka mid ah wasiirka gashaan dhigga
iyo sarakiil ka tirsan wasarada gashan dhigga. waxaa
socdaalkaas ku wehli doona saraakiil ka tirsan cidamada IGAD
kuwaas oo soo indha indhaynaya doona goobaha loogu talaglay
inay dagaan cidamada nabad ilaalinta ee IGAD. Wararka aynu ka
soo xiganay ilo ku dhww dowlada ayaa waxay sheegayaan in la
filayo in ay u ababaxi doonaan malmahan fooda inagu soo haya.
Ambabaxaan ayay
ka danbeeya markii hoteelka ay xubnaha dowladda KMG ay
degenaayeen laga bixin waayay kirada iyo kharaska telefoonka.
Xubanaha
dowladda intooda badan waxay noqdeen bishii ina soo dhaaftay
waxayna si fir-fircooni ah uga hawlgaleen khorshaha
nabadeenta ee gobolka Banaadir.
Nairobi Xasan
Bile
