Xuseen Ceydiid: “yaan lagu argagixinin dadka Muqdishu Ciidamo Ethiopian ah ayaa soo socda”

Buluugleey August 19, 2005 

Ra’isulwasaare K/xigeenka dowladda KMG ahna wasiirka arimaha gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Muqdishu ayaa  waxa uu sheegay in aysan jirin ciidamo Ethiopian ah oo u soo socda wadanka Soomaliya xiligaan, isla markaana aan dadka lagu argagixinin qoddobkaasi.

Eng. Xuseen Ceydiid ayaa arrintanI  ka sheegay kulan balaaran oo uu la qaatay ururadda bulshadda  rayidka ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbaheysiga SNA, waxaa kale uu sheegay Eng. Xuseen Ceydiid in isbaarooyinka yaala wadooyinka aysan aheyn kuwa sax ah balse isbaarada runta ah ay taalo qofka Soomaaliga ah qalbigiisa.

Eng. Xuseen Ceydiid ayaa kulamo la yeelanayay qeybo ka tirsan xubnaha labada gole iyo ururada bulshada rayidka ah tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay wadanka.

Ra’isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha ayaa waxa uu sheegay in uu gacan ka geysan doono howlaha nabadeynta magaalada Muqdisho oo ay ka wadaan xubnaha labada gole ee dowladda KMG.

Eng. Xuseen Ceydiid ayaa ugu dambeyntii waxa uu sharci darro ku tilmaamay in waqtigaan ay sii yaalaan isbaarooyin  gudaha magaalada Muqdishu  iyo daafaheeda.

Maxamed Amiin
Muqdisho, Soomaliya


  

 HOME