Col. C/llahi
Yusuf oo Yemen iyo Itoobiya shirka Sanca uga codsanaya Hub iyo
Ciidamo
Buluugleey,
December 27, 2005
C/llahi Yusuf
iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda garabkiisa ayaa u kicitimay
Dalka Yemen, wuxuuna halkaas uga qeyb gelayaa isbaheysiga Sanca
oo berito ku kulmaya magaalada Sanca.
Cabdullahi
Yusuf ayaa bilihii u dambeeyey wuxuu dib u gurasho ka sameynayey
xaruuntiisa Jowhar, halkaas oo uu qorsheynayey inuu si tartiiba
ugala baxo hantida iyo taageerayaasha ay isku heybta yihiin.
Waxaa sidoo
kale aad loo dareemayey meelkadhacyo loo geysanayo Maxamed
Dheere iyo magaalada Muqdisho iyadoo wasaqeyntaas loo
adeegsanayo Cabdalla Deerow iyo Mowliid Macane. Dhaleyceynta
nuucaasa ayaa la xaqiijiyey in C/llahi Yusuf iyo kooxdiisa ku
fekerkaa ay la wadaagaan nimankaas codbaahinta loo isticmaalay.
Degaanka
Jowhar dadka degan ayaa deyn badan waxaa ka qaba madaxda iyo
kooxda C/llahi Yusuf oo ay Jowhar xaruuntoodu tahay. Sidoo kale
maamulka gobolka Sh/Dhexe ayaa geliyey hanti fara badan
martigelinta taageerayaasha C/llahi Yusuf, waxaana hadda muuqata
in kooxdaas ay isku diyaarinayaan iney isaga baxaan Jowhar,
wixii hubana ay ka rartaan.
Col. C/llahi
ayaa dhawaan ka soo noqday safar uu ku tegey gobolka Bari si
tuulada Carmo uu uga furo xaruun ciidan. Waxaa isi soo taraya
qorshaha uu ku doonayo C/llahi inuu ka raro ciidamadiisa Jowhar
una raro xaruunta cusub ee Carmo.
Waxaa horay
shirka Isbaheysiga Sanca loogu tala galay inuu ka qeybgalo C/llahi
Shiikh Ismaciil oo keliya, waxaana si lama filaana shirka u
aadey Col. C/llahi Yusuf. Waxaa la qiyaasayaa in C/llahi uu
dowladahaas ka codsanayo in lala hirgeliyo xaruunta ciidamadiisa
oo u baahan hub culus iyo daryeelka ciidankaas oo laga gacan
siiyo.
Dowladda
Yemen ayaa hadda ka hor waxey C/llahi siisay hub fudud oo fara
badan, kaas oo uu ula kacay xero ku taala Jowhar. Isimada Bari
ayaa mar hore kula taliyey inuusan wax huba la aadin Jowhar,
gaar ahaan hubka culusna ciidanka Bari degan uu gacanta ugu jiro.
Safarka deg
degaa ee Col. Cabdullahu Yusuf ayaa loo macneeyey mid uu ku
doonayo in loogu soo dhiso ciidan xoogan oo loo dhameeyo qalabka
culus ee ciidamada. Waxaa sidoo kale muuqata inuu markaan
doonayo inuu xaruuntiisa Jowhar ka bedelo una guryo noqdo
gobolka uu ka soo jeedo si uu halkaas deeqda dalka la siiyo uu
ugu abuurto ciidan tayo leh oo xabashi iyo Yemen ay kala
howlgalaan ciidan huwana.
