Maxamed
Dheere oo Jowhar u soo raraya iney noqoto xaruunta la dagaalanka
wadaadada Soomaaliyeed, kana raraya taageerayaasha Col. C\llahi
Yusuf
Buluugleey,
Wednesday, March 01, 2006
Maxamed
Dheere ayaa cambaareeyey siyaasada Col. C\llahi Yusuf, kuna
tilmaamay nin qabyaaladu wax kasta kala weyn tahay.
Dagaaloogahaas wuxuu ku eedeeyey Col. C\llahi inuu
maleeshiyooyinkiisa u diidey iney la qeybsadaan hubkii uga yimid
Yemen oo uu ku koobay maleeshiyooyinka ay isku heybta yihiin.
Waxaa sidoo
kale uu ku eedeyey in dhaqaalihii dowlada soo galay uu si beel
ahaneed u maamushay, si gaarana loogu dhisay ciidamada ku
xareysan xerada Kongo. Maxamed Dheere ayaan eedaas ka fiirsan
maxaa yeelay maleeshiyooyinka uu naftiisu wato waa mid isaga ku
heyba, isuna soo bandhiga iney yihiin ciidan dowladeed iyo kuwo
gobol intaba.
Eedeynta
qabqablaha Jowhar ayaa soo baxday kadib markii uu guuldaro ku
dhamaaday wadahadal dheer oo u dhexeeyey isaga iyo Col. C\llahi
Yusuf. Taas oo ujeedadeedu ahayd in siyaasda Col. C\llahi loo
adeegsado qaab loogu heysto qaansheegasho aan dhamaneyn.
Col. C\llahi
ayaa hadda waxaa u muuqata halista ay leedahay si joogista
Jowhar, waxeyna dantu biday inuu xaruun ku meel gaara ka sii
sameysto magaalada ay beeshiisu degen tahay ee waqooyiga
Gaalkacayo.
Waxaa heegan
ku jira ciidanka xerada Kongo oo si sareysa uga xoog badan
maleeshiyooyinka Jowhar, kuwaas oo isku diyaarinaya sidii ay
xoog uga bixi lahayeen Jowhar kadib markii ay meel mari weyeen
waan waan soo jiitameysey wakhti dheer. Waxaa la qiyaasayaa in
ciidankaas ay u baxayaan dhinaca xuduuda Itoobiya inta Itoobiya
aysan qaadan mowqif ay ku xulafeysaneyso labada nin midkood oo u
muuqda mid hadda ku adag.
Maxamed
Dheere ayaa hadda dadaal ugu jira inuu xaruunta isbaheysiga la
dagaalanka wadaadada uu u soo wareejiyo magaalada Jowhar si
dhaqaalaha loogu tala galay dagaalkaas looga maamulo Jowhar.
Dagaaloogayaasha Muqdisho oo ay Maxamed Dheere isku heyb yihiin
ayaad hadda moodaa iney dhinaca dagaalka iska baheysanayaan
iyagoo fikirkoodu kala fog yahay, danta isku keentayna ay tahay
sidii dowlada Mareykanka looga heli lahaa dhaqaale.
Dad
badan oo xogogaala ayaa waxaa u muuqata isbaheysigaas inuu yahay
mid lagu shirqoolayo Maxamed Qanyare oo mabda’ ahaan ay ka go’an
tahay inuusan Itoobiya la wadaagin wax dana, waana taas ayaa la
leeyahay mida hadda ku dhalisay Maxamed Dheere inuu isku dabciyo
Qanyare.
Waxaa
la tuhunsan yahay in xiriirka Itoobiya iyo Maxamed Dheere uu soo
xoogeysaneyey meesha kan u dhexeeya Col. C\llahi iyo Itoobiya uu
sii liicayey. Sababta ugu weyn ee Maxamed Dheere uu ku helay
tixgelintaas ayaa lagu saleynayaa wax ka qabadka mucaaridka
Muqdisho haddii ay noqon lahayd wadaado iyo haddii ay noqon
lahayd hogaamiye kooxeedyada Muqdisho.
Waxaa ay cid
walba dareentay in dagaalkii 4 maalmood ka dhacay Muqdisho uu
qasaarihii ugu badnaa ay ka soo gartey mudane Maxamed Qanyare,
mana aysan dhicin cid la qeybsatay qasaarahaas soo gaarey.
Dagaaloogayaasha ayaa dagaalka u jeediyey beelaha degan koofurta
Muqdisho, iyaga oo ku tilmaamay iney kaalinayaan wadaadada ay
intooda badan siku heybta yihiin, taasna waxey ka careysiisay
qolooyinka sirdoonka oo aan daneyneyn dagaalka qabiilka, kaas oo
aan lahayn dhamaad iyo ujeedada dagaalka oo aan sidii la rabey
loo gareyn.
Waxa laga
wariyey dagaaloogayaasha isku heybta ah ee ka soo wada jeeda
waqooyiga Muqdisho iney aaminsan yihiin inuu ahaa Qanyare kan
geliyey dagaalkii ay la galeen koofurta Muqdisho xiligii Cali
Mahdi iyo Caydiid haddana uu uga baxay balantii sidaas
daradeedna ay ku kaalmeynayaan bilowga dagaalka kadibna ay isaga
baxayaan isaga iyo beelaha degan koofurta Muqdisho.
Maxamed
Dheere ayaa hadda u muuqda mid isaga haray taageerada dowlada
Col. C\llahi Yusuf una soo jeestey sidii uu ula shaqeysan lahaa
qolooyinka sirdoonka. Mareykanka ayaa ku eedeynaya Talyaaniga
inuu gadaal ka jiidayo siyaasada dowlada Col. C\llahi, taas oo
dhalisay in taageerayaashiisu u kala jabaan kuwo daacad u ah
talyaaniga iyo kuwo doonaya iney Mareykanka wax la qabsadaan.
Dowlada Yemen
ayaa hadda ku soo hartay taageerada ay u heyso Col. C\llahi,
waxaana wax qabadkeeda dhabarjab ku ah Maxamed Dheere oo ka soo
horjeeda Heshiiska Cadan, kaas oo uu u arkayo mid beesha Col. C\llahi
lagu hubeynayo, loona diyaarinayo qabiilkaas iney la wareegaan
gacan ku heynta qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale dowlada Yemen
ayaa waxaa ku socota eedeyn uga imaneysa dhinaca caalamka oo ku
saleysan hubka ay siineyso maleeshiyada Col. C\llahi iyo
qaxootiga Soomaaliyeed oo ku le’anaya xeebaha Yemen.
