Shariif
Xasan, Xubnaha Baarlamaanka, hogaamiyeyaasha Muqdisho iyo Col.
C/llahi oo heshiiska Cadan si hoose dantooda gaarkaa is afgarad
ku ogolaaday in wax la wada qeybsado lana kala daneysto.
Buluugleey,
January 22, 2006
Waxaa heshiis
si shaqsi ahaan ah loo soo diyaariyey uu bisha Janaayo 5teeda uu
ku dhex maray magaalada Cadan mudane Shariif Xasan iyo mudane
Col. C/llahi Yusuf. Labadan nin ayaa doonayey iney ka baxaan
khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyey, awoodoodiina dhulka dhigay.
Col. C/llahi
ayaa Prof. Geeddi iyo Prof. Dalxo u adeegsan jirey iney jilbaha
dhulka u soo dhigaan wadaadkan aan daaleyn ee bulshada caalamka
ku dhexmeereysanaya sidii inuu yahay wasiir dibedeedka dalka.
Col. C/llahi ayaan ahayn qof madaxweynenimo mudan, waayo wuxuu
gacantiisa ku galay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Shariif Xasan
ayaa isna wuxuu adeegsanayey hogaamiye kooxyada hubeysan ee ka
jira Muqdisho si cududooda uu ugu baaciyo ama ugu cabsigeliyo
kooxda Jowhar ee Col. C/llahu uu hor kacayo. Shariifka ayaan
lahayn aqoon iyo waayoaragnimo siyaasadeed, xil gudoomiyenimana
aan ku habooneyn.
Col. C/llahi
ujeedada uu u daneynayo heshiiskan waa in loogu ogolaado in laga
qaado cunoqabateynta ka saran xaga hubka iyo inuu dalka soo
geliyo ciidamo shisheeye, labadaas arrimood oo uu rajeynayo iney
si buuxda u dhameystirto awoodiisa madaxweynenimo oo uu si
buuxda dalka uga taliyo. Qodobadaas oo ah kuwii ay ka dhalatay
in loo kala jabo laba garab. Col. C/llahi haddii uusan labadaas
qodob ka waantoobin daacad kama ahan heshiiska Cadan iyo in la
dhameeyo khilaafka Siyaasadeed.
Sabtidii
bisha Janaayo ay ahayd 21ka, ayaa waxaa magaalada Muqdisho isugu
yimid xubnaha baarlamaanka, garabka Muqdisho iyo hogaamiyeyaasha
hubeysan, wuxuuna shariif Xasan ka codsaday in lagu taageero
heshiiska uu la galay Col. C/llahi. Kulankaas wuxuu ku soo
dhamaaday in la ogolaaday waxa Shariif Xasan uu qeyb ahaan u soo
qaaday kooxda Muqdisho. Shariifka ayaa ka gaabsaday inuu ka
hadlo Dowlada Itoobiya oo ka codsatay QM iney Soomaaliya ka
qaado xayiraada hubka, sidoo kale Shariif Xasan wuxuu ka aamusay
codsiga Col. C/llahi uu wasiirkiisa arrimaha Dibeda mudane C/llahi
Sheekh Ismaciil uu madaxda Afrika ee ku shireysa magaalada
Khartuum ee dalka Suudaan kaga dalbaday in Soomaaliya ay si deg
dega ugu soo diraan ciidan nabad ilaalineed,kuwaas oo kooxaha
hubka ka dhiga. Shariifka ayaa aaminsan in awoodiisa ay ku
lixaadsaneyso haddii miisaaniyada lacagaha loogu tala galay
mushaarka xubnaha baarlamaanka ay gacantiisa ku soo wareegto,
wuxuuna ugu jiraa dadaal aan kala go’ lahayn sidii uu awoodaas
ka dhiman uu u dhameystiran lahaa.
Xubnaha
baarlamaanka ayaa daneynaya in la siiyo mushaarkooda iyagoo
ogsoon ineysan jirin shaqaale kale iyo shacbi kale oo la siinayo
xuquuq mushaar, marka laga reebo wasiirada dowlada. Sidoo kale
waxey xubnahaas rajeynayaan in haddii Shariifka qeybtiisa loo
ogolaado ay wax ka helayaan jagooyinka sare ee dowlada. Ilaa iyo
hadda xubnaha baarlamaanka kama aysan ficiltamin dhawaaqyada
ciidan doonkaa ee ka soo yeeraya Col. C/llahi iyo kooxdiisa,
waxeyna u muuqata iney si fiican ula jilayaan korneylka
rabitaankiisa.
Hogaamiyeyaasha hubeysan ayaa iyaguna daneynaya in saami xoogan
laga siiyo lacagaha deeqda si ay u helaan qarashka uga baxay
gunooyinka maleeshiyooyinkooda ku xareysan xerooyinka Laanta
Buur iyo Hiilweyne. Hogaamiye kooxeedyadaan ma aysan soo hadal
qaadin qodobkii ay ku heleen hiilada caalamka oo ah in dowlada
iyo baarlamaankuba ay xaruuntoodu ka shaqo gasho magaalo madaxda
Soomaaliya ee Muqdisho. Heshiiska Cadan cidda keliya ee la
doonayo in lagu waxyeeleeyo waa hogaamiyeyaasha Muqdisho,
arrintaas waxaa qiray dowlada Itoobiya oo markii ay u dirtay
codsiga QM oo ay uga dalbaneysey in Soomaalida laga qaado
xayiraada hubka ku sheegtay in loo baahan yahay in ciidan ahaan
looga hortago kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda nabada iyo
dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo loola jeedo hogaamiye
kooxeedyada Muqdisho.
Heshiiska ay
sida shaqsi ahaanta ah ay u soo gaareen Shariif Xasan iyo Col.
C/llahi ayaa ah mid si hoose loogu xisaabiyey danaha ay
leeyihiin kooxaha iska soo horjeeda, waxaana cid walba loo ogol
yahay iney fulsato danaheeda gaarkaa. Labadaas masuul mid walba
wuxuu qorsheynayaa iney dhameystirtaan awoodahooda ay
dhantaashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada nin.
Waxaa iska cad in midba uu doonayo inuu kan kale ku soo
rogaalceliyo isagoo inta ka awood badan iyadoo la kala
adeegsanayo ciidamo shisheeye iyo wakiilada baarlamaanka.
Heshiis la’aanta ka taagan qodobadii horay loogu dagaalamay ayaa
ah tusmo muujineysa inuusan jirin heshiis si daacad ah loo
gaarey, laakiin is afgarad hoose lagu gaarey in qof walba
dantiisa gaarkaa la tixgeliyo.
