Col. Cabdullahi Yusuf oo Faramarnaan deg
deg ugu soo laabatay Jowhar
Buluugleey, Tuesday, September 20, 2005
Wafdi uu hogaaminayo Col. Cabdullahi Yusuf
ayaa maanta ka soo degey degmada Jowhar oo xaruun u ah garabka
dagaaloogayaasha taageersan madaxtinimadiisa. Wax uu u sheego
uma haynin tageerayaasha garabkiisa, kadib markii uu safar
qaatay usbuuc uu ku maqnaa shirkii Qaramada midoobey oo ka
dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Waxaa ka muuqatey
niyad jab iyo guuldarro uu kala soo laabatay Qaramada Midoobey.
Markii uu yimid Jowhar wuxuu abaaray hoygiisa halkaas oo uu
beerka dhulka dhigay.
Dowladda Mareykanka ayaa siisay Col.
Cabdullahi dal ku gal ku kooban magaalada New York, kana
codsatay in joogitaankiisu ku ekaado shirka Qaramada Midoobey.
Dowlada Mareykanka ayaa aqoonsatay warbixin badan oo ay ka soo
gudbiyeen dagaaloogaha Cabdullahi hayado caalamiya iyo
aqoonyahanka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibeda jooga, taas waxey
keentay in dowlada Mareykana ay iska fogeyso iney la yeelato wax
wadahadala ama soo dhoweyna. Dowlada Mareykanka oo la tashiyo
badan la sameeysay wadamada Carabta iyo kuwa Yurub ayaa
go’aansatay ineysan daneyn wax kasta oo uu doonaya
dagaaloogahaas lagu eedeynayo inuu 30 sanno ku soo jirey
dhiigdaadinta rayidka Soomaaliyeed.
Shir gaar ah
ayey wasiirada Arrimaha dibadda ee wadamada Carabta ku yeesheen
magaalada New York ee dalka Mareykanka. Shirkaas waxaa si gaara
looga hadlayey arrimaha ka jira Soomaaliya. Gabagabadii shirkaas
ayaa waxaa la taageeray in sida ay hadda tahay wax walba lagu
sii hayo inta laga helayo dowlad ay isku raacsan yihiin ummadda
Soomaaliyeed. Ugu dambeystii waxey wasiiradaas Arrimaha dibadda
ee dalalka Carabta ka codsadeen Soomaalida in la dhameeyo
khilaafka u dhaxeeya garabyada isku haya dowladnimada
Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ka muuqata in wadamada Carabta ay ku
heshiiyeen inaan kaalmo dhaqaale la siin qolooyinka Muqdisho iyo
Jowhar isaga soo horjeeda.
Qaramada
Midoobey ayaan soo dhoweyn qudbadii uu soo jeediyey Col.
Cabdullahi Yusuf. Wakiilo badan ee Wadamadooda u jooga Qaramada
Midoobey ayaa ku tilmaamay wararkii Cabdullahi ka jeediyey
shirka qaramada midoobey kuwo aan laga soo tashan. Qaramada
Midoobey horay waxey u soo jeedisey in Soomaliya ay u baahan
tahay in hubka gacanta ugu jira dagaaloogayaasha laga uruuriyo,
cunoqabateyna laga saaro hub dibeda looga keeno. Col. Cabdullahi
markii uu la tashaday Itoobiya oo shirkaas Mele Zanawi uu u
joogey, ayuu madaxdii shirkaas ka codsaday in lala soo gaaro
Soomaaliya hub, isaga oo ku macneeyey in dowlada Itoobiya oo
diyaar la ah ciidamo dalka Soomaaliya hubka ka dhiga ay u baahan
tahay in Qaramada Midowdey ay u fasaxdo iney dalka hub soo
geliso, meesha Itoobiya ay codsatay in laga gargaaro dhinaca
dhaqaalaha. Itoobiya marka ay ku hubsatay wafdiga ka soo jeeda
Soomaalida mariin habaabid siyaasadeed, ayeysan xataa soo hadal
qaadin Soomaaliya iskabadaa taageero ay u muujiso fikrada
Cabdullahi Yusuf. Hadalkaas wuxuu ku noqday Col. Cabdullahi mid
u keenay in aduunyada inteeda kale ay siyaasadiisa aad uga sii
jeestaan. Warar isi soo taraya ayaa sheegaya in Col. C/laahi
Yuusuf la sheegay safaro uu ku tagi lahaa wadamo badan oo uu ka
codsaday caasuumaad markii uu ka qeybgalay shirkii Qaramada
Midoobey ineysan soo dhweyn codsigiisa, taasna ay qasb ku
noqotay inuu baajiyo isla markaana uu deg deg
dib ugu soo laabto magaalada Jowhar.
Waxaa kaloo
soo koobay
safarkiisa arrimo ka soo cusboonaaday dhinac Jowhar. Ciidankii
ka yimid gobolka Bari oo shabeelada dhexe kala kulmay cuduro,
qasabna ku noqotay iney galaan dagaal ama ay kala tagaan. Dagaal
oogayaasha Muqdisho oo la filayo iney berito ku dhowaqaan
isbaheysi ciidan oo ay suurtogal tahay iney deg deg dagaal ula
galaan ciidamada ka yimid Bari. Waxaa la xaqiijiyey in Col.
Cabdullahi uu qorsheynayo iskudaygii ugu dambeeyey oo uu
Muqdisho ku tijaabin lahaa inuu xoog ku galo kaas oo rajadiisa
kama dambeystaa ka dhigeysa guul ama guuldarro. Siyaasada uu
adeegsanayo waxaa ka mida in la dhaco raashinka saran markabka
Qaramad Midoobey ee ku soo xirtay Ceel Macaan si ay ugu noqoto
taakulo raashin maleeshiyadiisa. Waxaa kaloo Muqdisho ku soo
jeeda siyaasiyiinta garabka Jowhar si ay gudaha Muqdisho uga
abuuraan qas iyo cabsi iyo kala jebin lagu abuuro dadka degaanka.
Waxaa ugu dambeystii loo adeegsanayaa maleeshiyada dagaaloogaha
Jowhar iney dagaalo dhumaaleysiya ka sameeyaan degaanka Xamar.
Waxaa hadda la xaqiijiyey in Tikniko iyo ciidamo ka amar qaata
maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu hoggaamiyo Max’ed Cumar
Xabeeb (Max’ed Dheere) inay ka ambabaxeen magaalada Jowhar
iyagoo ku sii jeeda aagag loo qoondeeyey iney ka soo qaadaan
duulaan.
Col.
Cabdullahi waxaa u muuqata ama inuu dagaalka ku adkaado ama in
looga adkaado halkaasna ay ku dhamaato madaxtinimadii uu ku
doonayey inuu ku xukumo qaran Soomaaliyeed. Waxaa guuldarro ku
dhamaaday ciidamadii uu dibeda ka codsaday, sidoo kale waxey
Qaramada Midoobey, Wadamada Carabta, Yurub iyo Mareykanka ay
horistaageen iney soo gaarsiiyaan kaalmo dhaqaale. Waxaa
aduunyada laga diidey in la aqoonsado dowladiisii. Garabka
siyaasadiisa taageersan waa ay ku adkaatay iney sii joogaan
Jowhar. Marka la isku soo wada duubo, Col. Cabdullahi waxaa u
muuqatay in dowladiisa lagu kala tegayo sannadkan dhamaadkiisa
haddii uusan ka adkaanin qolooyinka ka soo horjeeda. Marka intii
uu iska carari lahaa caqligiisu wuxuu siiyey dagaal inuu ku
qaado degaanka Muqdisho inta aysan kala tegin maleeshiyada uu
kala yimid Bari.