Guddiyo ka hawlgalo nabadgelyada
Muqdisho ee manta la magacaabay
Buluugleey, April 19, 2005
Guddiyo sare ee u
qaabilsan maareynta iyo nabad ku soo dabaalidda magaalda
madaxda Soomaaliyeed ayaa maanta lagaga dhawaaqay Muqdisho.
Guddigii ay dhawaantaan magacaabeen mudanayaashii ka socday
labada Gole ee dowladda FKMG ee lagu magacaaabay Muqdisho ee ka
koobnaa 25 xubnood ayaa manta guddi kale ku dhawaaqay ee ka
shaqeynaya nabadda iyo xasiloonida caasimadda
Guddigaas la magacaabay ayaa
ka kooban 36 xubnood kuwaasoo 11 ka mid ah ay yihiin aqoonyahano,
halka 25-ka kalana ay yihiin guddi hoose oo soo diyaarinaya
qaabka maleeshiyooyinka looga saarayo caasimadda Muqdisho.
Guddiyadaan ayaa laga soo xulayaa magaalada Muqdisho si ay u
sugaan nabadgelyada Gobolka Banaadir.
Guddiyadaan labada qeybood ka
kooban ayaa waxay ka soo shaqeynayaan qaabka loo sugayo
nabadgelyada Gobolka Banaadir iyadoo guddiyadaan laga soo xulayo
dhinacyada magaalada Muqdisho, Sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow
xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.
Soomaliya oo muddo 15
sanadood aan deganayn baa dadweynaha Soomaaliyeed ka
rajeynayaan xidhibaanadaan ka kala socda labada Gole ee dowladda
KMG inay soo afjaraan colaada ka aloosan waddankeyna.
