Waddamada
deeqda bixiya oo Col. Cabdullahi Yusuf ku cadaadiyey in uu
Muqdisho u guuro
Buluugleey
June 1, 2005
John Koech oo ah
Wasiirka Iskaashiga Gobollada Kenya ayaa horey uga dalbaday
xildibaanada Soomaaliyeed ee weli sii jooga dalka Kenya in ay si
dhaqsa leh uga guuraan dalka Kenya. Xildhibaanadaas
isjecleysiiyay sii joogista Nairobi ayaa farriintaas waxay ku
noqotay weji gabax, taasna waxay keentay in laba qeybood oo ka
tirsan xildhibaanadaas ay u guuraan Muqdisho.
Taas waxay meesha
ka saartay qorshihii qarsoonaa ee Col. Cabdullahi Yusuf oo ahayd
in xildhibaanada ay joogaan Nairobi inta Itobiya ay ugu
gogolxaareyso meel ay dowladiisu saldhigato. Col. Cabdullahi
Yusuf waxaa u qorsheysneyd in xildhibaanada uu ku hayo Nairobi
si uu u muujiyo in Muqdisho aysan ahayn meel nabad ah iyo isga
oo ka wareeganaya in hantida uu ka helo waddamada deeqda bixiya
uusan gelin Muqdisho.
Col. Cabdullahi
Yusuf waxay waddamada deeqda bixiya ku qasbeen in dowladu u
guurto caasimadda Soomaaliya oo ah Muqdisho. Taasina waxay
meesha ka saartay xeeladdii Itoobiya ay ku damacsaneyd in
Baydhabo oo u dhow xadka Itoobiya ay noqoto xarunta dowlada KMG.
Waddamada daneeya
siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay muujiyeen walaac ku aadan
dagaalada ka soo cusboonaaday dhawaantan magaalda Baydhobo oo ay
ku lugleeyihiin dowladda KMG iyo dalka Itoobiya. Dagaalkaas
la abaabulay wuxuu halis ku yahay axdigii lagu heshiyey kaasoo
loo fadhiyay muddo laba sanadood ah. Bulshada caalamka waxaa u
muuqata in ku xadgudubka axdigii xabad joojinta ay sabab u noqon
karto in kooxaha Muqdisho ku sugan oo aan la dhacsaneyn
siyaasdda Col. Cabdullahi Yusuf ay go’aansadaan in dowladii KMG
ay burburto. Si taasi looga badbaadana ay Col. Cabdullahi ku
cadaadiyeen inuu la heshiiyo kooxaha ku sugan Muqdisho intii uu
ciidamada shisheeye ku lumin lahaa dadaal aan miro dhal lahayn.
