Ra’iisalwasaaraha dowladda FKMG oo sheegay in dowladdu dhawaan
waddanka u guuri doonto
Buluugleey,
May 21, 2005
Ra’iisalwasaaraha dowladda FKMG mudane Cali Maxamed Geedi ayaa
qado sharaf ay goobjoog ka

ahaayeen
xubnaha labada gole ee weli ku sugan dalka Kenya ku martiqaaday
Hoteelka
Safari Park oo ku yaal Magaalada Nairobi, Kenya.
Casumaaddaasi waxaa kaloo ka soo qaybgaleen wakiilka Dowladda Kenya
u qaabilsanaa Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ahaana
Guddoomiyihii Gudigii Fududaynta ee IGAD Bethuel A.Kiplagat iyo
Safiirka dalka Kenya Amb.Maxamed Cabdi Afey iyo Wakiilo ka
socday,UNka,Safaaradaha dalalka Ingiriiska,Denmark iyo
Talyaaniga.
Mudane Geeddi ayaa shaaca ka
qaaday
dowlada uu
hoggaaminayo u guuri doonto magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo
Muqdisho bishan aayn ku jirno dibayaaqadeeda.
Mudane Geedi isgoo hadakiisa sii wato
wuxuu sheegay inaysan
jirin haba yaraatee kala qaybsanaan dhextaal xubnaha labada Gole
ee Dowladda balse ay jirto kala duwanaansho xagga fikirka ah.
Inkastoo uu hadalka mudane Geedi ku saleysnaa un dibloomaasiyad
oo uu uga jawaabayay
hadalkii ay horey ugu soo jeediyeen waddamada deeqda
bixiya in oo ahayd in dowladda FKMG sida ugu dhaqsiyaha badan
dalka Soomaaliya ugu guurto. Balse mudane Geeddi wuxuu ka
gaabsaday
colaadda u dhexeyso Col. Cabdullahi Yusuf iyo Mudane Shariif
Xasan oo aan la inkiri Karin
in
xisadaasi dhalin karto burbur ku yimaado dowladda FKMG.
