Col. C/Llahi
Ayaa Qorsheynaya Inuu Isku Dhac Beelood Ka Dhex Abuuro Dayniile
Iyo Koofurta Muqdisho
Buluugleey,
February 4, 2006
Waxaa in
badan la hadal hayey in waqooyiga Gaalkacyo laga soo abaabulo
dagaalada ka dhex dhacay dadka walaalahaa ee wada degan koofurta
Mudug. Col. C/llahi ayaa ku guuleystey inuu iska sii mashquuliyo
dadka degan gobolada dhexe si uu fursad ugu helo dagaalka uu ku
hayo beelaha degan Muqdisho.
Shariif Xasan
oo gacantiisa midig ka dhigtay mudane Qanyare ayaa suurto
geliyey in heshiiskii Cadan ku dhexmaray Shariifka iyo C/llahi
dartiis uu Qanyare kula saaxiibo Col. C/llahi Yusuf isaga oo ka
soo jeeda dhinaca Shariifka. Qanyare iyo Shariifka ayaa qaba
fikrada ah in maskax lagu kala daneysto intii la adeegsan lahaa
cudud ciidan oo ka soo horjeeda C/llahi. Ujeedada Shariifka ayaa
ku qotonta in Qanyare uu xaga dhaqaalaha kala maamulo si qeybta
uga soo aada deeqaha uu la maareeyo, una sii jirto kalsoonida
iyo taageerada looga hayo dhinaca Muqdisho. Sidoo kale Shariifka
ayaa raba inuu Qanyare isaga fujiyo culeyska ay ku hayaan Prof.
Geeddi, Maxamed Dheere iyo Jurille, kuwaas oo kula tartamaya
Shariifka maamulida dhaqaalaha loogu tala galay in lagu
furdaamiyo khilaafka dowlada iyo baarlamaanka u dhexeeya oo
gogoshiisa laga fidiyey baydhabo, magaaladaas oo fursad u
siinaysa Shariifka in siduu rabo uu u maamusho hantidaas, taas
oo noqoneysa fursadii kowaad oo soo marta Shariifka.
Col. C/llahi
ayaa soo dhaweeyey siyaasada Shariifka, kana soo horjeeda kooxda
Jowhar hadda isku baheysatay, waxaa Col. C//lahi u muuqday baahi
weyn oo uu u qabo Qanyare oo miisaan culus ku leh magaalada
Muqdisho. Col. C/lahi ayaa aaminsan in beesha degta koofurta
Muqdisho aysan dooneyn madaxtinimadiisa, siyaasiyiintooduna ay
ka shaqeynayaan iney furfuran hadba xiriirka uu soo xirto,
sidaasna uu ku doonayo beelaha la degan mid ka mida oo ka
mashquulisa. Col. C/llahi ayaa horay ugu hamiyey cid la dagaasha
beeshaas, wuxuuna marar badan isku deyey inuu Maxamed Dheere ka
hor keeno beeshaas iyo siyaasiyiintoodaba, taas oo aan ka
suurtogelin dhinaca Maxamed Dheere iyo weliba isagoo bedelka
arrintaas la galay Indhacade heshiis nabadeed. Heshiiska Col. C/llahi
uu la galay Qanyare ayaa ugu muuqata hadda fursad dhaba oo uu
ugu helayo inuu degaanka Dayniile dagaal la geliyo koofurta
Muqdisho.
Mudane
Qanyare oo dhaqaale iyo awood dheeraada doonaya ayey ka
suurtowdaa inuu Col. C/llahi ka ogolaado hindisahaas, waa haddii
isna loo yeelo sida uu rabo oo ah in la siiyo wasiirka kowaad.
Qanyare oo ah hogaamiyaha keliya ee ka jira beeshiisa ayaa ah
dagaalooge u dhaqan dhow Col. C/llahi, welina uga sii xagjira
dhaqaale lahaanshaha kelinimo. Qanyare ayaa aaminsan in beelaha
waqooyiga iyo koofurta Muqdisho waxa keliya ee uu tixgelin uga
heli karo iney tahay isaga oo ka soo jeesta isbaheysiga cusub oo
iyaga danahooda ka soo horjeeda oo ay wada hogaaminayaan Col. C/llahi
iyo Shariifka. Danta Qanyare ayaan fulin markii ay run u timaado
in beelwadaagta Muqdisho ay awooda qeybsato. Marka siyaasadu ay
halkaas ka marto, caado ahaan waxa keliya ee uu Qanyare
miisaankiisa ku muujo waa inuu xaalad dagaal Muqdisho ka abuuro
sida horay u soo dhacday xiliyadii Cali Mahdi iyo Caydiid. Col.
C/llahi oo aan hadda moogeyn niyadjabka uu ku sugan yahay
Qanyare ayaa daneynaya in saaxiibtinimada Qanyare ay ka dejiso
culeyska ka saran koofurta Muqdisho, gaar ahaan hantida
Bakaaraha oo ka maaliyad badan tan beeshiisa iyo dowladiisa oo
wadajirta. Qanyare ayaa waxaa looga bartay in qaskiisu uu
saameeyo jidgooyada uu dhigo jidadka soo gala suuqa Bakaaraha,
kaas oo saameeya dhaca gaadiidka iyo xayiraada ganacsiga
Bakaaraha. Qanyare ayaan hadda u jeedin dagaalka Maxamed Dheere
iyo Geeddi waayo wuxuu u arkaa xidigo sii dhacaya oo aan wax
cuulaba ku lahayn shaxda siyaasadeed ee hadda socota, cidda
keliya ee Qanyare uu u arko inuu wax ku noqon karo dagaalkooda
waa beesha degen koofurta Muqdisho, waayo korneylkuna waa
daneynayaa dagaalkooda, Qanyarana waxey ugu muuqataa cod iyo
awood looga tixgeliyo Muqdisho inuu ka helayo dagaalkaas.
