Kulanka
Baarlamaanka Ka Socda Baydhabo Oo Uu C/Llahi Yusuf Ka
Dhexdhaliyey Khilaaf Dib U Soo Celiyey Is Maandhaafkii
Siyaasadeed Ee U Dhexeeyey Labada Garab
Buluugleey,
March 1, 2006
Xubnaha
baarlamaanka ayaa kulankoodi ugu horeeyey waxey ku yeesheen
magaalada Baydhabo si ugu horeyntii loo xaliyo khilaafka
siyaasadeed ee u dhexeeyey laba garab oo ay u kala baxday
dowladii iyo baarlamaankii lagu soo dhisay Kenya bishii Oktoobar
2004.
Xubanaha
baarlamaanka ayaa ku kala tegey ismaandhaaf ka dhashay axdiga ay
IGAD u soo diyaarisay dalka Soomaaliya oo intiisa badan laga soo
minguuriyey dhinaca Itoobiya. Qodobada ugu waaweyn oo khilaafku
ka dhashay ayaa waxaa ka mid ahaa in dalka laga aruuriyo hubka,
hub kalana aan la soo gelin iyadoon xal loo helin kii faraha
badnaa ee dalka horay u yaaley. Sidoo kale waxaa la ansixiyey
inaan ciidan ka socda dalka Itoobiya oo dano cadowtinimo ka leh
dalka Soomaalida aan lagu soo dari Karin ciidamada imaanaya
Soomaaliya si ay dadka hubka uga dhigaan.
Col. C\llahi
Yusuf oo aan marna ka tanaasulin riyadiisa ku saleysan qabiilka
oo ah in dalka ciidan shisheeye uu u qabto ayaa heshiiskii Cadan
kadib wuxuu ka codsaday Ururka Afrika iyo QM in Soomaliya laga
qaado cunaqabateynta ka saran dhinaca hubka si maleeshiyadiisa
ay isku heybta yihiin oo ay Yemen soo hubeysay ay fursad ugu
noqoto iney dalka xoog ku qabsadaan iyagoo kaashanaya ciidamo
Itoobiyana oo lagu soo gelinayo magaca nabad ilaaliyeyaal.
Col. C\llahi
oo u arkayey in markaan xubnaha baarlamaanka ay u nugul yihiin
codsigiisa ayaa markii uu furmay kulanka baarlamaanka ka socda
Baydhabo ayaa ku xiray nabadeyn si rasmiya uga dhexdhalata
xubnaha baarlamaanka iney imaneyso marka la fuliyo heshiisyadii
sida gaarka ah ay kooxdiisu ula soo gashay shirkado iyo dowlado
shisheeye, iyo in la ogolaado keenista ciidamo shisheeye oo ka
socda Itoobiya iyo qaadista cunoqabateynta hubka saaran
Soomaaliya.
Rabitaanka
Col. C\llahi Yusuf ayaa inta badan xubnaha baarlamaanka ugu
muuqda meel ku dheg sababtay in si dhaqso ah ay u kala baxaan
labdii garab ee siyaasada ku kala tegey. Dad badan ayaa waxaa u
muuqday in Col. C\llahi uusan sameyn wax isbedel siyaasadeeda oo
isku soo celin kara xubnaha baarlamaanka, iyo in ku
dhegenaanshaha qodobada dhaliyey khilaafka ay sii kala
fogeyneyso siyaasiyiinta labada garab.
Gudoomiyaha
baarlamaanka ayaa ka soo horjeestey In Col. C\llahi uu
qudbadiisa ku soo daro qodobadii lagu kala tegey intii aysan
dhicin in la heshiisiiyo garabyadii iskhilaafsanaa. Sidoo kale
hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo gacan saar fiican la sameystay
Mareykanka ayaa u diray QM codsi ay kaga soo horjeedaan qaadista
cunoqabateynta hubka saran Soomaaliya. Intaas waxaa dheer in
fekir mideysan laga helay QM, Dowlada Mareykanka, wadamada
bixiya deeqda oo ay intuba ka soo horjeedaan qaadista
cunoqabateynta, taas oo wakhtigaan la joogo aan ugu muuqan
caqligal.
Waxaa la
qiyaasay in Col. C\llahi ay ugu muuqatay inay tahay fursad in
inta ay isku mushquulsan yihiin dagaaloogayaasha Muqdisho iyo
wadaadada diinta Islaamka inuu dhaqso uga saxiixdo baarlamaanka
ogolaanshaha qodobadaas. Taas oo u jideyn lahayd inuu hub iyo
ciidamo shisheeye kala soo dego meesha uu doono, kuna jeediyo
cida uu doonayo iney la dagaalamaan.
Siyaasada
Col. C\llahi ayaa laga yaabaa dhowaan iney ku dhacdo isbedel,
taas oo laga yaabo inuu isbaheysi ka raadiyo beelaha degan
Gobolada Dhexe oo ay dadka ugu badan degaankaas ay dhaqan wadaag
la ahayeen beeshiisa. Col. C\llahi ayaa taageeradii uu ka
heystey Itoobiya waxaa hoos u dhigay Prof. Geeddi, Jurille, iyo
Maxamed Dheere, kuwaas oo baahidii isaga loo qabey meesha ka
saaray. Sidoo kale Hogaamiyeyaasha Muqdisho ayaa gacanta ku
dhigay dowladaha reer galbeedka oo ay ugu horeyso dowlada
Mareykanka, dowladahaas oo hadda taageersan iney dhaqalahooda
siiyaan kooxdaas intii ay ku khasaari lahayeen maalgelinta
dowlada Col. C\llahi Yusuf oo aan u muuqan mid soo kici karta
wakhti dhow.
C\llahi mar
hore ayuu ka go’ay dowladaha Carabta, kadib markii uu edeyn
badan u soo jeediyey diinta Islaamka iyo madaxda dowladaha
Carabta, isagoo isku muujinayey si uu kaalmo dhaqaale uga helo
Mareykanka iyo reer galbeedka, isaga ayaana maanta isgeliyey
go'doonkan siyaasadeed oo uga kala yimid shirqoolada ay u
dhigeen kooxdiisa iyo kooxda ka soo horjeeda.
