Prof Geedi oo safar gaaban ugu ambabaxay
magaalada Nairobi
Buluugley, Sunday, October 09, 2005
Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa safar lama filaan ah uga ambabaxay
magaalada Jowhar ee xatunta u ah garabka taageersan Col.
Cabdullahi Yusuf, waxaana la xaqiijiyey inuu gaaray magaalada
Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ayaa waxey sheegayaan in
safarka prof. Geedi uu yahay mid gaaban oo qaadanaya mudo labo
maalmooda, ujeedada rasmiga ah ee socdaalkiisana ayaa lagu
sheegay iney tahay in garabka Jowhar ay wakiilka QM u qaabilsan
arrimaha Soomaliiya ay kawada hadlaan warbixintii ka soo baxday
QM oo garabka jowhar ku tilmaamay kooxda ugu badan ee hub dibeda
ka soo gadatay.
Garabka Jowhar ayaa cabsi badan ka muujiyey waxyeelada ka soo
gaari karta warbixinta Qaramada Midoobey ay ku eedeysey hubka ay
sida sharcidarada ah ay ugu soo daldaleen gudaha Soomaaliya.
Prof. Geedi iyo dadka ku fekerkaa ee xaruunta ka dhigtay Jowhar
ayaa hanti badan oo deyna waxey ku soo qaateen qalabka ciidanka,
kuwaas oo ka kala yimid Yemen iyo Itoobiya.
Deeqbixiyeyaasha ayaa iyaguna ka gaabsaday codsiyadii dhaqaale
ee uga imaanayey garabka Jowhar, iyagoo cabsi ka qaba in
lacagaha deeqda loo adeegsado in lagu bixiyo qaanta ay ku soo
galeen hubka ku soo qulqulaya Jowhar.
Wasiirada ka soo jeeda Gobolka Bari oo xaruuntooda siyaasadeed
ka dhigtay degmada Jowhar ayaa hantidooda waxey ku bixiyeen hub
ay ka soo gateen wadamada suuqa madow hubka ku iibiya iyagoo
arrintaas u sii maray dalaaliin talyaniya iyo kuwa ku xiran
maafiyada wadamadii hore ee reer Bariga.
Hubkaas oo inta badan lagu soo hagaajiyo dekedaha Emeraadka,
kadibna doonyo loogu soo gubiyo Bossaaso ayaa dhinaca circa iyo
dhulka Soomaalida Galbeed waxaa lagu soo gaarsiiya degmada
Jowhar oo wasiiradaas ay ku leeyihiin maleeshiyooyin hubeysan.
Waxaa la filayaa in Prof. Geedi uu codsado inuu la kulmo Shariif
Xasan oo hadda soo gaaray Nairobi. Arrinkaas oo ay uga dan
leeyihiin garabka Jowhar iney ku muujiyaan ineysan dagaal isku
diyaarineyn laakiin ay hubka u soo gateen iney naftooda ku
difaacaan, diyaarna ay u yihiin nabada.
Waxey Soomaalida inteeda badan ay ka dheregsan tahay in khilaaf
xoogan uu dhexyaalo Col. Cabdullahi iyo Shariifka. Ma jirto
sabab uu Prof. Geedi u soo dhexgalo khilaaf aan isaga toos u
quseyn. Kulunka prof. Geedi uu ku doonayo inuu ku arko Shariifka
ayaa loo macneystay in garabka Jowhar ay doonayaan iney helaan
xogta safaradii shariifka inta aysan taas soo gaarin garabka
Muqdisho, si xogta laga helo loogu xoojiyo warbixin garabka
Muqdisho looga diyaarinayo magaalda Addis Sababa,taas oo xog
uruurin lala xiriirinayo garabkaas argagixisada ka jirta
Soomaliya si taas ay qiil ugu noqoto dulaan huwana oo lagu qaado
magaalda Muqdisho.
Waxaa la helay warar sheegaya in Prof. Geedi looga yeeray
Itoobiya laguna amaray inuu soo maro Nairobi. Ma cada in sababta
loogu yeeray ay la xiriirto gadoodka Maxamed Dheere iyo iney
tahay mashruuca argagixisada ay Itoobiya dooneyso iney ku soo
jiidato ra’yiga addunka, gaar ahaan dalka Mareykanka.
