Dowladda Col. C/llahi Yusuf oo geedi ka
ah Prof. Geeddi
Buluugleey, January 10, 2006
Col. C/llahi Yusuf ayaa isku diyaarinaya
khudbad uu ka jeediyo kullanka lagu balansan yahay golaha
baarlamaanka ee loo dhan yahay. Fursadaas ayuu doonayaa in Col.
C/llahi uu ku soo jeediyo in uu dowlad cusub dib u soo
magacaabayo. Sidaasna waxaa kula taliyey wadamada uu kula shiray
Cadan.
Prof. Geeddi ayaa wasiirka kowaad waxaa
loogu soo xulay si hogaamiye kooxeedyada Muqdisho looga helo
dabacsanaan ay u dhego nugladaan madaxtinimada Col. C/llahi
Yusuf. Ujeedadaas waa ay ka socon weysey Muqdisho sababo la
xiriira hebednimada loo noqday cadowga Itoobiya.
Prof. Geeddi ayaa cid walba ugu muuqda
inuusan ka badbaadi karin in xilka laga qaado marka xubnaha
baarlamaanka ay yeeshaan kulankooda ugu horeeya oo ay ku
mideysan yihiin labadooda garab. Waxaa looga wareeganayo in
kulankaas lagu qabto Muqdisho ayaa loo macneeyey inuu yahay mid
lagu dhabarjebinayo Geeddi iyo kooxaha Muqdisho oo ay isku
heybta yihiin.
Waxaa aad loo saadaalinaya in kullankaas
lagu qabon doono Kismaayo, sidaasna lagu damacsan yahay in
dowlada Col. C/llahi lagu sameeyo isbedel. Waxaa la qiyaasayaa
in xilka wasiirka kowaad loo dhiibi doono Cabdirisaaq Jurille,
meesha Geeddi ama Maxamed Dheere lagu damacsan yahay in lagu
qanciyo xil cusub oo ah madaxweyne ku xigeenka, taas oo ah
jagadii uu ka geeriyooday Xusseen Kulmiye Afrax.
Sidoo kale waxaa beelaha Muqdisho la
siinayaa wasiiro fara badan si ay u hilmaamaan jagooyinka sare
ee dowladda iyo in Muqdisho laga soo dhaweeyo dowlada cusub.
Arrintaas waxey suurto gelineysaa in howlaha dowladu ay ka
bilaabanto Muqdisho iyadoo aan wax abaala looga hayn kooxaha
hubeysan ee Muqdisho. Shirarka dowlada oo si rasmiya uga bilowda
Muqdisho waxey addunyada marqaati uga noqoneysaa in dowladu ay
ka shaqeyneyso magaalo madaxda dalka, awooda Xamarna ay ku
leedahay qeyb muuqta. Haddii siyaasiyiin cusub oo fara badan ay
ka soo baxaan Xamar waxaan shaki lahayn in hogaamiye kooxeedyada
Muqdisho ay gabaabsi ku noqoneyso tageerada ballaaran oo ay
hadda ka heystaan shacabka ku nool degaanka Muqdisho, qasabna ay
ku noqoneyso iney sida Shariifka galaan gorgortan lagu kibir
jebinayo.
Prof. Geeddi ayaa dowladiisa wuxuu soo
dhisay laba jeer, taas oo hadda ay ku dhamaatay mid shaqeyn
weysey, waxaana siyaasadiisa dhaawacay wareysiyo badan oo uu ku
muujiyey qaladaad uu ku dhacay oo wadaniyiinta Soomaaliyeed ay u
arkeen nimaan qaranimada Soomaaliyeed qiimaheeda garaneyn. Sidoo
kale waxaa dhaawacay markii dalkiisa oo ay ka jirto nabadgelyo
la’aan uu ogolaaday inuu u noqdo wasiirka kowaad, haddana
dadkiisa uusan la wadaagin nabadgelyo darrada ka jirta dalka,
kadib markii uu dabada la galay degmada Jowhar oo uu Col. C/llahi
ka galay dhufeys.
Col. C/llahi wuxuu ku leeyahay gar inuu ka
muujiyo baqo inuu Muqdisho soo dego waayo hogaamiyeyaasha
hubeysan ee awooda ku leh Xamar waa uu ka heyb duwan yahay,
wuxuuna uga baxay ballanqaadyo fara badan oo uu la gaarey markii
ay ku heshiiyeen iney siiyaan codka doorashada madaxweynenimada.
Laakiin Geeddi isaga dhibkaas ma uusan heyn mana ahayn inuu ku
raaco inuu la dego Col. C/llahi degmada Jowhar ee waxey ahayd
inuu dhibaatada nabadgelyo xumadaa inuu la qeybsado dadkiisa uu
u qaaday xilka waqti aysan dalka ka jirin nabad iyo dowlad dhexe
oo xoogan.
