Isbaheysiga la dagaalanka wadaadada Diinta Islaamka oo ah
mashruuc xambaarsan in dagaal la isugu adeegsado
dagaaloogayaasha iyo wadaadada Soomaaliyeed si dhimashada ka
dhalata dhexdooda ay u keento dhamaadka labada kooxood.
Buluugleey,
March 1, 2006
Waxaa
magaalda Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysi ujeedadiisu tahay la
dagaalanka wadaadada diinta Islaamka. Hogaamiye kooxeedyada
Muqdisho ayaa mashruucan waxaa u soo bandhigay Bashiir Raage
Shiirar oo ah ninka haysta maleeshiyada garoonka Cisiley, kaas
oo horay u dhoofiyey wadaado uu ku gatay lacag, kuwaas oo uu u
gacan geliyey sirdoonka Mareykanka iyo Itoobiya.
Bashiir ayaa
isku daygiisii u dambeeyey ku fashilmay kadib markii uu isku
dayey inuu sirdoonkaas gacanta u geliyo Wadaadka Abuukar Cadaani
ee iska leh hotelka Ramadaan haddana ay isku heybta yihiin, kaas
oo laga baadi goobayey raad lagu tuhunsan yahay inuu xogteeda
wax ka ogyahay, kaas oo ku saleysan xiriirka u dhexeeya
wadaadada Soomaalida iyo kuwa Sacuudiga.
Dagaaloogayaasha Muqdisho oo aan lahayn mabda’ celiya iyo maamul
ay raacsan yihiin oo hirgelin kara qanuun ku dhaqan ayaa hal mar
oo keliya waxey siyaasadoodii u soo wareejiyeen iney ka
ganacsadaan qabqabashada wadaadada Soomaalida, kaas oo ay u
arkaan in Dowlada Mareykanka ay ku taagereyso dhaqaalaha ku baxa
la dagaalankooda.
Hogaamiyeyaasha hubeysan ee Xamar ayaa mar hore waxey isku
diyaariyeen iney la dagaalamaan Col. C\llahi Yusuf. Laakiin
hadda waxey u arkaan iney ka maarmeen dagaal ay la galaan C\llahi,
waxeyna cududoodi hadda u soo jeediyeen mashruucan uu
maalgelinayo sirdoonka Mareykanka, kaas oo ay istuseen inuu uga
faa’iido badan yahay kan C\llahi.
Ujeedada
dagaalka ayaa huwan qaabka iyo farsamada la isugu gumaado
dambiilayaasha u abaabulan sida Maafiyada oo kooxba kooxda kale
laga hor keenayo si ay madaxda isaga dilaan, kooxuhuna ay sidaas
ku burburaan. Taas waxey meesha ka saareysa in eeda iyo kala
aarsiga aysan lug ku soo yeelan cidda gadaal ka soo abaabuleysa
iska horkeenka kooxaha. Cadowtinimada u dhexeysa kooxaha oo aad
u sareysa ayaa waxey meesha ka saareysa qolada saddexaad ineysan
waxyeelada colaada saameyn ku yeelan.
Hadda ka hor
ayey ahayd markii isla sirdoonkaas ay u adeegsadeen iney iska
horkeenen Caato iyo Caydiid oo ay u arkayeen kii la dilo inuu
dantooda yahay, ayse ka sii jeclaan lahayeen in labaduba ay
dhintaan oo gacantooda isku eersadaan. Xaaladaas ayaa u eg mida
maanta taagan, waayo haddii ay dagaalkaas ku jabaan
dagaaloogayaashu waa guul, haddii ayse ku guuleystaan tirtirida
wadaadada Soomaaliyeed iyana waa guul kala, laakiin waxey
dantooda ugu weyn ku jirtaa markii labad kooxood ay iska laayaan
madaxdooda, taas oo ah mida ay hadda u muuqato in qaabkeeda loo
soo abaabulayo.
Dagaalka
Xamar laga abaabulayo ayaa ah mid la wada daneynayo, waayo Col.
C\llahi ayaa aaminsan in haddii laga sii jeediyo hogaamiye
kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho inuu helayo fursad uu ku
hirgeliyo maamulkiisa heehaabaya oo salka dhigi la’. Col.
C\llahi ayaa dagaalka Xamar jeclaan lahaa in lagu jebiyo
qabqablayaasha dagaalka, fekerkaas uu qabo oo uu la aamusan
yahay ayaa laga yaabo iney u keentay inuu sii waayo taageerada
Itoobiya iyo Mareykanka.
Inkasto Col.
C\llahi uusan kala jecleyn wadaadada iyo dagaaloogayaasha
heybtooda, haddana dowladiisu waxey la kici weysey siyaasad
xumadiisa iyo mariinwaaga siyaasadeed ee kala dhexeeya
dagaaloogayaasha Muqdisho. Waxaa u muuqata korneylka in haddii
laga adkaado dagaaloogayaasha ay isaga u fududahay inuu dhaso
uga adkaan karo wadaadada oo ku soo riiqday dagaalkaas.
Qolooyinka sirdoonka ayaa qaba gumaadka ay isku geystaan
labadaas kooxood iney soo dedejineyso xalka magaalo madaxda
Muqdisho oo ku soo noqota dhowrista xeerka iyo kala dambeynta,
ama cabsida wadaadada oo meesha ka baxda.
