Bananbixii ka dhacay Qaramada Midoobay ee New
York oo Looga soo Horjeeday Col. C/Laahi Yusuf
Buluugleey, Wednesday, September 21, 2005
Dad badan oo boorar watay, kuwaas oo Lid ku ahaa Col. C/Laahi
Yusuf ayaa watay warqad Ogol Bannaan-baxii weynaa ee ka dhacay
Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ee looga soo horjeeday
Col. Cabdullaahi Yuusuf oo sharaf dhac ku sameysay iyo ka
maqnanshahii madaxda Caalamka qudbadii C/Laahi Yusuf oo Caro aad
ah u keenay taagerayaashiisa.
Bannaan bax weyn oo ka dhacay Xarunta Qaramada
Midoobay ee New York oo looga soo horjeeday Col:Cabdullaahi
Yuusuf oo gacan ka hadal ka dhacay kadib markii dhalinyaro
warqado ay u qaybiyeen madaxdii albaabka ka galysay,
warqadaahaasi oo ay ku qornaayeen tariikhda madow ee Col. C/Laahi
Yusuf iyo in uu yahay qabqable dagaal oo lagu soo doortay wadan
dibadda ka ah Soomaaliya iyo siyaasad xumadiisa.
Waxaa Goobtaasi iskugu yimid maalintaas oo ahayd
maalintii Sabtida 17ka September 2005 oo madaxdii iskugu yimid
ay intii madaxweynayaasha iyo ra’iisul wasaarayaashiiba ay ka
maqnaayeen balse Col. C/Laahi Yusuf qudbad ka soo jeediyay walow
ay dadka taageersana aad u saluugeen maalinta Soomaaliya lagu
aadiyay oo ahayd maalin fasax ah oo dadkii culculasaa oo arrinta
dhibta soomaaliya loo sheegi lahaa ama wax ka qaban lahaa anay
jooginba goobtaasi iyadoo ay sida wararka ay sheegayaan ay
goobjoog ahayeen kaliya gacan yarayaashii wakiilada.
Col C/lahi yusuf shirka UNka waa isku aamini waayey inuu akhriyo
qudbadii uu qoray Turjumaagiisa. Labada masuul ee ku magcaaban
jagooyinka ugu sareeyaa dowladii Igad ku soo dhistay Kenya ayaa
ka qeybgelayey Shirarka muhiimkaa oo ka dhacayey Magaalada New
York .
Wuxuu muujiyey Sharaf dhaca uu kala kulmay Col C/lahi Yusuf
shirka uu rabay inuu ka qayb galo kadib markii uu aamini
kariwaayey inuu akhriyo qudbadii loo soo qoray ee uu u akhriyey
Turjumaankiisa C/laahi Shiikh Ismaciil . Waxaa wax lala yaabo ah
in kornaylka oo markii la weydiiyey sababta uu khudbada u
jeedin waayey ku jawaabey wadnaha ayaa i xanuunayey isagoo
hoostana ka lahaa “waar sida wax loo laayo uun baanu ka
fekereynaye maanagaa is lahayn wax akhri baa lagu oran doonaa.
Mida kale meeshan anigu waan u soo baryo tegey sida wax loo
baryana keli kelidaan ku aqaan ee caalam i soo eegaya anigu
hadalo qurxoon oo lagula hadlo maba soo baran”.
Waxaa xusid mudan in la shaaciyey qudbadii uu
Shariifku ka akhriyey shirkii uu ka qayb galay ee New York.
Inkastoo qudbadaas uu diyaariyey mudane SIFIR hadana Shariifku
wuxuu u akhriyey si geesinimo leh oo ka dhigan sidii uu isagu
soo diyaarsadey ama aqoonteedii leeyahay, taasina waxay ku
tusinaysaa Kalsoonida uu Shariifku ku qabo naftiisa iyo
shakhsiyadiisa, wana kan maanta Col C/laahi ka hortaagan inuu
iibsado dhiiga ummadda rayidka ah ee ku dhaqan Muqdisho ee uu la
damacsan yahay inuu xasuuqo.
Albaabka Qaramada Midoowbay ee New York ayaa
waxaa taagnaa xag walba dad aad u fara badan oo Soomaali ah
iskagana kala yimid Maraykanka iyo Canada oo muujinayay diidmada
ay ka qabaan dagaaloogaha Col. C/Laahi Yusuf Ahmed balse
taageerayaashiisa ayaa ka fursan waayey iney farasaaraan dadkii
warqadaha qaybinayay, hase ahaatee ciidanka amaanka ee loogu
talagalay goobta UN-ta New York oo heegan ahaa ayaa isla
markiiba soo kala dhexgalay. Dhinaca dadka warqadaha qaybinayay
boorarkana watay Lidka ku ahaa Col. C/Laahi Yusuf ayaa watay
warqad ogolaansho ah oo ay ka soo qaateen Xafiiska quseeya
banaanbaxyada madaxda banaan oo ay horay u qaaten, isla
goobtiina booliska ku tusay warqadahaasi Fasaxa ah, taasi oo ay
sababtay in ay iska sii wataan mudaaharaadka, meesha kuwii
kalena laga kaxeeyay goobtass.
Qalalasahaas ay dadka Soomaalida ah ee degan
waqooyiga Amarica iyo Canada ay sameeyeen ayaa meel fog gaarey
kadib markii mudaaharaadka lagaga horyimid Col. C/Laahi Yusuf
qoraalkiisa loo gudbiyay warbixinadooda Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay UN-ka Mr.Kofi Anaan taas oo Lagu cadeeyay
Korneel C/Laahi wuxuu ahaan jiray, waxa uu hadda yahay iyo waxa
uu damacsanyahay.
Hadaba dadkaasi gudbiyay warbixinadaasi waxaa ka
mid ahaa urur Cusub oo ay aqoonyahano degan Maraykan gaar ahaan
Minnesota iyo waxaa kaloo gudbiyay Dr. Cali Khaliif Galayr oo
ahaa ra’iisul wasarihii dowladii ku meelgar ahayd ee Carta lagu
soo dhisay oo Col. C/Laahi Yusuf xurguf aadihi ka dhaxaysay.
waxaa kale oo warbixintan mid la mid ah gudbiyay ama qoray
Prof. Cabdi I.Samater,Suldaan Hure, Liibaan Shandile iyo
Qaarkale oo badan.
Col. C/Laahi Yusuf ayaa in mudo ahba loo diidanaa
Visaha Maraykanka balse ku yimid damiin taasi oo kaliya loo
ogolaaday in uu joogo agagaarka Qaramada Midoobey New York City
kadibna uu noqdo taasi oo dhirbaxo ku noqotay Taageerayaashiisa.
Waxaa kale oo xusid mudan in Guddomiyaha Baarlamaanka, Mudane
Shariif Xassan Sheikh Adan iyo wafdi uu hogaminayo loo ogaladay
visaha Maraykanka oo buuxa oo ay ku mari karaan Gobolada dalka
Maraykanka oo dhan, kadibna ay u gudbi doonan dalka Canada
halkaasi oo ay ka heleen Jaliyadda degan Canada oo casuuntay
wafdigaas.
Ugu danbayntii waxaas oo dhan waxay cadayn u
tahay in Col. C/laahi Yusuf uu ku guuldaraystay Ujeedadii uu
lahaa oo ahayd hub iyo lacag in uu ka helo USA taasi oo soo
afjari doonta hamigaa uu u qabo in cudud maleeshiyo uu ku
qabsado Muqdisho. Waxaa ka hoos baxday korneylka in dalka
Mareykanka dhaqaalihiisa hadda uu liito, uuna u baahan yahay
dhaqaale uu Yurub ka soo deynsado si uu uga soo kabto dufaanada
ku dhuftay New Orleans oo u baahan lacag dhan qiyaata 200 bilyan
Dollar iyo kor u kicii sicirka shidaalka oo waxyeelo u geystey
koboca dhaqaalihiisa.
Abshir Geedi
Cilmi
New York City.
